Skip to content

Wiil Intuu Ood Ka Boodo Ayuu Taladii Ka Booda

November 17, 2015

Dhibaatooyinka qurba joogidda waxaa ka mid ah sidii loo fahmi lahaa baahida waxbarashada caruurta, gaar ahaan wiilasha soo gaarey barbaarnimada. Waxa ugu badan oo dil ku dhintay iyo colaad waa wiil ayagoo ka marin habaabey kana weecday dhismihii aayatiinkoodii oo dadkoodu ku han weynaayeen. Runtii aad ayay u adag tahay in la fahmo sababo qaarkood oo keeni kara in wiilkii uusan waxbarashadii rabin ama uu focus (diirad) saarin wixii laga rabay inuu qabto oo mustaqbalkiisa wax u tari lahayd. Kolleybana xalku ma noqonayo in la dhaho dhulkii baa la gaynayaa ama dhaqan celin baa loo samaynayaa waayo wiilkii xirfad inuu barto ayaa laga rabaa uu beyadda uu ku nool yahay wax uga soo saarto taas oo ay ugu weyn tahay social skills. Xirfad barashada inuu ku guuleysto waxaa ku caawin kara waxaa ka mid ah inuu saaxiibo yeesho, inuu sports galo iyo in lagu kalsoonaado wiilkii oo tarbiyad fiican uu helo. Diintu waa barasho iyo ku dayasho u baahan maskax dhisan oo fahan leh, ma noqonayso suurado la xifdiyey oo keliya. Waa in lagu dabaqaa critical thinking, waayo wiilkii hadii uusan cadkiisi goosan karin daciifnimo iyo dadnimo la’aan ayuu la dayacmayaa. Wadaado badan oo meelaha wax ka wacdiyana ma lahan aqoon sidaa u badan oo dheelitiran waayo naftaada shaqsiga ah markaad si daacad iyo hawlkarnimo leh u horumariso ayaad taqwaddu sii xoogaysanaysaa. Arrimahaas oo u muuqda wax fudud laakiinse ah wax aad u adag oo u baahan dulqaad iyo waqti badan in la geliyo. Marar badan suurto gelaynin marka aad fiiriso qaabka qoyska soomaliyeed u dhisan yahay, midkaas oo ka kooban inta badan hooyo keligeed iyo caruur faro badan oo aabe la’aan jooga. Waxaan ku soo gunaanadey hadalkaygan kooban dood dhex martey wiilal soomaliyeed oo ku nool dalka England oo ka hadlaya farqiga u dhexeeya xirfadaha shaqada, waxbarashada jaamacadeed iyo habka loogu adeegsan karo in mustaqbalka show shaqo lagu aado.

From → Uncategorized

Leave a Comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: